Madaxweyne Biixi: Isu ekaanshaha Khudbadaha aan Ardayda Rejo-gelin ee Hargeysa iyo Boorama!

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii labaad khudbad niyad-jebin laga dareemayo u jeediyey Arday aqoon Jaamacadeed dhammaystay oo uu qalin-jebintooda ka qaybgalay.

Madaxweyne Biixi oo hore khudbad lagu tilmaamay midaan marinkeedii iyo madasheedii ku habboonayd helin oo cabasho u badnayd ka jeediyey Munaasibad 29ka bishii August 2019-ka loo sameeyey Dufcaddii 16aad oo sannadkan dhammaystay Jaamacadda Hargeysa.

Sidoo kale, Arbacadii maanta, ayu Madaxweynaha Somaliland ka qaybgalay qalin-jebinta Dufcaddii 18aad ee iyaguna ka baxa Jaamacadda Camuud ee duleedka magaalada Boorama, waxa uu ka horjeediyey khudbad aanay inteeda badan Ardayda rejo-gelinta u baahini u bogin, ee dhibsiga dhalliilaha isaga iyo Xukuumaddiisa loo jeediyo iyo dhibaatooyinka kala duwan ee xallintooda uu hoggaanka u yahay, inuu wax ka qabtaana tahay waajib Madaxweyne ahaan saaran oo badi ardaydu u arkayeen, waxaan iyaga iyo farxadda munaasibaddooda khusaynin.

Haddaba, warbixin kooban oo Baddacas24tv ku soo ururiyey is shabbahaadda labada khudbadood ee Madaxweynuhu u kala jeediyey Ardayda dhammaystay Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.