Zimbabwe iyo Soomaaliya oo Guul iyo Guul-darro la kala Hoyday Caawa iyo Natiijadii Ciyaarta

ZIMBABWE AND SOMALIA FOOTBAL TEAM 2019
ZIMBABWE AND SOMALIA FOOTBAL TEAM 2019

Zimbabwe(aftahannews/ Sports):- Ciyaarta oo ahayd mid si wayn ay u wada sugayeen dadka Soomaalida ayaa bilaabatay markii ay saacada Afrikada bari ahayd 4 galabnimo.

ZIMBABWE AND SOMALIA FOOTBAL TEAM 2019
ZIMBABWE AND SOMALIA FOOTBAL TEAM 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa labada dhinacba isku dayeen inay goolal la yimaadaan balse ma suuragalin. Waxaa qeytii hore ee ciyaarta lagu kala nastay eber iyo eber.

Qeybtii labaad ee ciyaarta, ayaa waxaay ku bilaabatay xamaasad islamarkana ciyaartooyda labada dhinac ayaa dardar cusub bilaabay. Ciyaarta markii ay mareysay daqiiqadii 77aad ayaa waxa xulka kubadda cagta ee Zimbabwe ay dhaliyeen goolkii koowaad oo uu u dhaliyay Marshall munetsi.

Daqiiqadii 85aad ayaa waxaa goolka barbaraha u dhaliyay Soomaliya Cumar Maxamed,waxayna ciyaarta noqotay hal iyo 1. Balse Daqiiqadii 86 ayaa waxaa goolka labaad Zimbabwe u dhaliyay ciyaaryahanka Admiral Muskwe,waxayna ciyaartu noqotay 2 iyo 1:

Daqiiqadii 90 ayaa waxaa Soomaaliya laga dhaliyay goolkii 3aad oo uu dhaliyay Khama Billiat. Ugu dambeyntii ayaa waxay ciyaartu ku dhammaatay 3 iyo hal sidaasi ayayna guushu ku raacday Zimbabwe.

Saamaynta ciyaartoyda qurbajoogta

Xulka Soomaaliya ayaa Jabuuti kaga badiyay dalka Zimbabwe, arrinta xiisaha badan ayaana ah in 11-kii ciyaartooy ee lagu billaabay ay 10 ka mid ah ka yimaaddeen qurbaha.

“Gool hayaha marka laga reebo tobanka kalaba qurbaha ayaa laga soo aruuriyay” ayuu yiri Siciid.

Xulka qaranka SoomaaliyaLahaanshaha sawirkaXKC SOOMAALIYA
Image captionXulka qaranka Soomaaliya

Dalalka ay ka kala yimaadeen ciyaartoyda qurbajoogta ah

Fahad Ismaciil (Britain)

Abel Gigli Maxamed (Talyaaniga)

Cumar Maxamed (Maraykan)

Cabdi Maxamed (Maraykan)

Yoonis Faarax (Norway)

Axmed Cali (Qadar)

Mohamud Ali (Britain)

Maxamed Abuukar (Britain)

Cabdicasiis Yuusuf (Canada)

Axmed Siciid (Finland)

Cabdulsamed Cabdullaahi (Holland)

Xuseen Maxamed (Finland).

Dhallinyaradaas qurba joogta ah ayaa lagu soo xulay dal jacayl iyo xirfad sida uu BBC-da u sheegay Siciid Cabdi Haybe.

“Dhallinyaradan xirfaddoodu waa heer sare kooxo heerar kala duwan ka ciyaara ayayna ka tirsan yihiin, marka dhallinyaradu dhammaantood waxay diyaar u ahaayeen in ay calankooda iyo dalkooda matalaan”. Ayuu intaas ku sii daray.

Algeria oo ku guulaysatay koobka qaramada qaaradda Afrika waxay ku faa’iiday dhallinyaradii dibadaha ka ciyaaraysay ayuu yiri Siciid oo xoojinaya faa’iidada qurbajoogta.

“Xulkii Algeria ee 23ka ka koobnaa hal mid oo kali ah ayaa ka dheelayay gudaha dalkooda.” Ayuu intaas ku sii daray.

Siciid ayaase aad u ammaanay dhallinyarada gudaha Soomaaliya ka timid wuxuuna sheegay in uu rajaynayo in uu suuq u raadiyo oo ay iyaguna dibadda ka ciyaari doonaan.

Doorka dalka Jabuuti

Qaar ka mid ah waalidka dhalay ciyaartoyda qurba joogta ah ayaa u cabsaday ammaanka carruurtooda markii ay maqleen in xulka qaranku uu ku qancay xirfadooda.

Balse markii ay u caddaatay in aan Muqdisho lagu qabanayn ee ay Jabuuti ku ciyaarayaan ayay aad u farxeen ayuu yiri, Siciid.

“Jabuuti si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay, marti in aan nahayna ma aanan dareemin ee ciyaartoy dalkoodii ku dheelaya oo kale ayaan ahayn” ayuu intaas ku sii daray.

Xigasho BBCSomali.com.