Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in IGAD Ergo u Dirtay Jabhadda Caarre iyo Nuxurka Wadahadal dhex-maray

Burco(aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Sheegay in Urur-goboleedka IGAD Ergo u diray Kornayl Caarre iyo Jabhaddiisa, isla markaana wuxuu ka hor-yimi go’aan Xukuumaddu dhawaan gaadhay oo la xidhiidhay inay wadahadal la furayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta Khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad ay ku qalin-jebiyeen Arday dhammaystay Jaamacadda Alpha ee magaalada Burco, ayaa sheegay in Somaliland soo dhaaftay waqtigii Qoriga la isku muquunin jiray, loona baahan yahay in aqoonta iyo qalinku shaqeeyaan oo waxa qaldan lagu saxo, cadaaladna wax lagu maamulo.

Faysal waxa uu hambalyo u diray Shir ka dhacay degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, waxaanu sheegay inay beesha deegaankaas ku shirtay tahay beeshii kala shaqaysay in la rido dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Millateriga ahayd, welina isku fiican yihiin, siduu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu taageeray Faysal hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Sanbalooshe oo ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Ergayga ka socday Urur-goboleedka IGAD ee loo diray Jabhadda Caarre dhegaystay waxa uu ka cabanayo Caarre ee ku kallifay inuu Jabhad sameeyo, isla markaana uu ku qanciwaayey wuxuu u sheegay inay kallifeen, una sheegay inuu cabashadiisa ka sixi karo Xisbiyada siyaasadda iyo Saxaafadda madaxa-bannaan, loona baahnayn waqtigan in dad nabad ah nabadgelyo-darro lagu abuuro oo la barakiciyo, haddii ay taasi dhacdana ay tallaabo illaa heer Maxkamadeed ah ka qaadi doonaan, cidda masuuliyaddaa qaadata, sida uu sheegay Faysal.

Haddaba, khudbad 18 daqiiqo socotay oo uu Faysal Cali Waraabe Xafladdaas Burco lagu qabtay ka jeediyey Salaasadii maanta oo uu arrimahaas iyo kuwo kale oo badan kaga hadlayo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.