Wasaaradda Waxbarashada Sland Maxay Ka Tidhi Cabashada Dugsiyada Gaarka loo leeyahay?

Hargeysa(Aftahannews):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa ka Hadashay Cabasho ay Muujiyeen Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee Dalku, taas oo ay ku cawdeen Masuuliyiinta Dugsiyadu in Deeqaha waxbarasho ee dalka dibeddiisa laga helay sannadkan ay Wasaaraddu u gaar yeeshay Ardayda Dugsiyada dowladdu gacanta ku hayso.

Masuuliyiin u hadlay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Maamulka gobolka Maroodi-jeex oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaanay jirin meel ay Maamulayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyahay kaga wadahadleen deeqaha waxbarasho, hase-yeeshee, ay Madaxda Dugsiyada gaarka ah lihi hore u diideen ku dhaqanka nidaamka Dugsiyada iyo u hoggaansanka shuruucdo waxbarasho ee dalka iyo ku dhaqanka Manhajka ay Wasaaradda waxbarashadu dejisay.

Haddaba, Warkaas oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.