TV-yada ay Somaliland Amarka Ku Soo Rogtay oo Loogu Baaqay inay Dacweeyaan Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa(aftahannews):- Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo Xubin ka ah Xarunta madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadamaha Somaliland, ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta iyo Tifaftirayaasha TV-yada madaxa-bannaan ee Somaliland ka hawlgalaa inay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diirye u gudbiyaan Maxkamadda Sare, ka dib markii uu Amar faaf-reeb iyo cabbudhin ah ku soo rogay TV-yada.

Garyaqaan Mubaarik oo maanta Hargeysa ugu warramay Baddacas24TV, ayaa sheegay in go’aanka amma amarka Wasiirku aanu ahayn mid sharci ah, balse uu yahay mid ka hor-imanaya Xeerka Saxaafadda iyo Xeerarka kale ee Dalka, sidaa awgeedna loo baahan yahay inay Racfaan u qaataan Maxkamadda Sare, si ay u buriyaan go’aankaas lagu cabbudhinayo xorriyaddooda, iyaga oo sharciyadda dalka iyo ta caalamiga ah ee Warbaahinta cuskanaya.

Warkaas Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo Faahfaahsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.