Nuxurka Kulan dhex-maray Wasiirka Waxbarashada iyo Golaha Wakiillada Somaliland, Maxayse Ka Hadleen?

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan, ayaa maanta hortegay Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada oo su’aalo ka weydiiyey qaaliyawga waxbarashada dalka, gaar ahaan Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Deeqaha waxbarasho ee Somaliland dalka dibeddiisa iyo gudihiisaba ka hesho oo ay Wasaaraddu shaacisay inay Kooto uga dhigtay amma u gaar yeeshay Ardayda wax ka baratay Dugsiyada Dowladda.

Kulankaas oo albaabbadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa Warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxay ka wadahadleen Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale iyo Wasiirka waxbarashada Cismaan Jaamac Cabdi, waxaanannu Warkaas oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.