Hay’adda Sirdoonka Maraykanka oo La Baxday Basaas Sare oo U Joogay Aqalka Ruushka Looga Taliyo

Filed under: Wararka |

Washington(aftahannews):- Hay’adda sirdoonka u qaabbilsan Mareykanka ee CIA-da,  ayaa la baxday Jaajuus sare oo awood u lahaa inuu wax badan ka ogaado aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga taliyo, kaas oo kaalin weyn ka ciyaaray qiimeyntii lagu sameeyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amray faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016, waxaa sidaas weriyey CNN iyo New York Times.

Hay’adda Sirdoonka u Qaabbilsan Maraykanka oo La Baxday Basaas Sare oo U Joogay Aqalka Ruushka Looga Taliyo

Hay’adda Sirdoonka u Qaabbilsan Maraykanka oo La Baxday Basaas Sare oo U Joogay Aqalka Ruushka Looga Taliyo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

NN iyo New York Times ayaa labaduba sheegay in xog-ogaalkaas laga soo saaray Ruushka sanadii 2017 kadib markii uu diiday yabooh hore oo ahaa inuu kasoo tago dalkaas.

CNN ayaa sheegtay in go’aanka lagu soo saaray shaqsi meel sidaas u muhiim ah joogay ay qeyb ka ahayd cabsi laga qabo in madaxweyne Trump iyo xubno sare oo ka mid ah maamulkiisa ay si qaldan gacmaha ula galaan akhbaar sir culus ah.

CIA-da ayaa diiday warbixinta CNN-ka, waxayna sheegtay in go’aanka ay uqaadatay uu ku salaysnaa “taxliil hadaf leh iyo xog uruurin cilmi ku dhisan.”

New York Times ayaa sheegtay in go’aanka jaajuuskaas lagu soo saaray ay sabab u ahayd sida warbaahinta ugu hadashay faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashada iyo warar ku saabsanaa xogo laga helay il-wareed ku dhex sugan Kremlin-ka.

Warbixinada ayaa sheegay in luminta xog-ogaal sidan u qiimaha badnaa oo ku dhex sugnaa Kremlin-ka ay sirdoonka Mareykanka ka dhigaty kuwa aan wax xog ah ka haysan ficillada Ruushka ee iminka iyo qorshahooda ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka dambe ee Mareykanka.

Xigasho VOASomali.com.

You must be logged in to post a comment Login