Ururka SOLJA oo si Sharci-darro iyo Cabbudhin Ku Tilmaamay Amarka ay Xukuumadda Biixi ku Soo Rogtay Warbaahinta Madaxa-bannaan

Hargeysa(aftahannews):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sharci-darro, Cabbudhin iyo faaf-reeb cusub ku tilmaamay Amarka Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ku soo rogay maanta Warbaahinta madaxa-bannaan, gaar ahaan TV-yada dalka ka shaqeeya.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay inaanu sharci ahayn amarka Xukuumadda ee Wasiirka Warfaafintu ku socodsiiyey TV-yada madaxa-bannaan oo uu faray inaanay baahin karin wararka Soomaalida illaa ay baahin wareed kasta dhammaystiraan wararka Somaliland. Wuxuu Xuuto tilmaamay inuu yahay amarkaasi mid horseedaya cabbudhin iyo faaf-reeb waqtigan dunidu ka gudubtay, waxaanu talo u jeediyey mulkiileyaasha Tvyada iyo Xukuumadda.

Haddaba, warka Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.