Kulmiye oo Ka Hadlay Muranka Wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga oo Madaxweynu ku dhegganyey

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbil-xaakimka Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay muran ka taagan Guddoomiyennimada Xisbigaas oo weli Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhegganyey oo aanu wareejin, isla markaana ay Siyaasiyiin kala duwani doonayaan inay Guddoomiyaha Kulmiye iyagu noqdaan.

Haddaba, Axmed Cabdi Dheere oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Kulmiye weli yahay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana aan la qaban shir cid kale loogu doorto xilkaas.

Warkan waxaan idiinku  soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.