Xukuumadda Somaliland oo Amar Faaf-reeb iyo Cabbudhin ah Ku Soo Rogtay TV-yada Madaxa-bannaan

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa amar faaf-reeb iyo Cabbudhin ah ku soo rogtay TV-yada madaxa-bannaan ee dalka ka hawlgala, iyada oo ku amartay inay wararka Somaliland ka dhaca soo hormariyaan, isla markaana wararka Soomaaliya iyo Soomaalida kaleba ku daraan wararka dibedda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diirye, ayaa maanta isugu yeedhay Mulkiileyaasha Tvyada Somaliland laga leeyahay, isla markaana hordhigay warqadda uu ku amrayo in markay si isku xigta baahin wareedkooda u sii daayaan wararka Somaliland ka dhacay ay sii dayn karaan wararka Soomaaliya iyo deegaannada kale ee Soomaalida oo ay u aqoonsanayaan maanta laga bilaabo warar dibedeed.

Tallaabadan, ayaa u muuqata faaf-reeb iyo Cabbudhin ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kula kacayso Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xorriyadda Dastuurku u dammaanad qaaday dhawrsanaanta iyo madaxa-bannaanida warbaahinta.

Haddaba, Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diirye, waxa uu u dhignaa sidatan ee ka bogasho wacan muuqaalkan hoose:-

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.