Cuqaal Reer Hargeysa ah oo Xamar ka degay & Xaaladda Kaxaysay – W/Q: Garaad Mahad Maxamed

Cuqaasha Muqdisho u safartay
Cuqaasha Muqdisho u safartay

Laba Caaqil oo a mid ah Cuqaashii Ciidagale ayaa Jilbaab Kaga Dhoofay Madaarka Cigaal International Airport, Iyagoo u Kicitimay Magaalo Madaxda Somalia Ee Moqdisho.

Cuqaasha Muqdisho u safartay
Cuqaasha Muqdisho u safartay

Labadan Caaqil oo kala ah Caaqil Mustafe Maxamed Askar (Girgire) iyo Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar Waxay Hormood u ahaayeen Cuqaashii Xirsi & Ina Xaashi Ciidagale u Adeegsan Jirey.

Qoraaga Qormada Garaad Mahad Maxamed Cabdi
Qoraaga Qormada Garaad Mahad Maxamed Cabdi

Labadan caaqil oo ka mid ah cuqaashii reerka hor boodayay 7-dii sano ee xukuumaddii siiraanyo, waana nimankii guryaha ka dhistay masaakiintii taarka madaarka laga raray.

Waa niman ku caan baxay hadba halka qadhaabku ka galo, waana niman mabda’ooda shilimo ku ibsada. Kulmiye ayay ahaayeen laakin mabda’ kumay ahayn kaliya qabax qaadasho ayay ku ahaayeen.

Waayo mabda’oodii waxay kaga tageen kadin laga celiyay oo Maxamed kaahin-na ka diiday hawl ay ka rabeen fulinteeda, markaas ayay WADDANI isku shubeen.

Markay tan carabka mariyeen ayay maantana doonayaan inay Xamar-na carabka soo mariyaan, iyagoo Raysalwasaare ku xigeenka Somalia ugu tagay inuu u geeyo Farmaajo & jaaliyadaha Qatar si ay gacanta u soo mariyaan.

Markaan soo ururiyo nimankaa mabda’oodu waxa weeye hunguri iyo afkooda oo ay ku shaqo tagaan.

Waxaanay suuqa gashadeen war odhanaya waxaanu Xamar u tagnay MAG, taas oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Waayo haday dhab tahay waxay sii kaxaysan lahaayeen odayaasha reer Oo ay u horeeyaan inanka aabihii iyo adeeradii.

Hore-na umay dhicin MAG Xamar laga soo qaato waayo ninka ku dhinta wuxuu ahaa dameer bakhtiyay..

Markaan duluc-da hadalkayga u soo daadago xaqiiqada safarkani wuxuu daaranyahay xidhiidh ay ka heleen Dawladda Qatar arintaas oo macneheedu yahay mijo xaabinta jiritaanka Somaliland.

Sidaynu ognahay Somaliland waxay saaxiib dhaw la tahay dawladda Imaaradka, imaaraadka iyo qatar-na waxa u dhexeysa xurguf siyaasadeed iyagoo isku haya dano dhaqaale iyo dilaalis qaan-gaadhay.

Sidaa darteed cuqaashan waxay dawladda Qatar u adeegsanaysaa ka shaqaynta arimo lid ku ah qaranimada jamhuuriyadda Somaliland.

Cuqaashani waxay hor dhac u yihiin cuqaal tiro badan oo ka daba tagi doonta, kuwaas oo la mabda’a ah watana fikirka dawladda qatar ee lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland..

Ugu denbeyn waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha, wasiirka arimaha gudaha iyo laamaha amaanka inay sharciga mariyaan haddii kale waxay noqon doontaa waddo inagu furantay..

Allaa Mahad leh..

Qore : Garaad Mahad Maxamed Cabdi.

Qoraalkan dhibtiisa iyo dheeftiisa iyo masuuliyaddiisuba waxay gaar u yihiin aragtida Qoraaga Maqaalkan ee Magiciisu ku qoranyey.