Guddoomiyaha Baanka dhexe oo Xayeysiis Ku Tilmaamay Xasarad laga Faafiyey WHITE HORSE HOTEL & APARTMENTS

LA SOCO : WHITE HORSE HOTEL & APARTMENTS HARGEISA,SOMALILAND.


Mulkiilaha Hadhwanaagnews , Axmed Naasir Jibril , wuxuu August 19th soo geliyay Mareegtiisa Hadhwanaagnews sawiro dhismo qabyo ah oo aan dhisaayo. Muddo ku dhaw 10 sano ayaanu si fiican isu naqaanay Mudane Axmed Naasir oo waxaanu nahay jiiraan wadda deggan Galbeedka Toronto. Axmed Naasir wuxuu ogyahay inaan muddo 30 sano ah ka shaqaynaayay Baanan ku yaalla dalka Emaaraadka Carabta . Waxa kale oo uu ogyahay inaan ka shaqayn jiray TD Canada Trust Bank oo ah baanka ugu wayn dalka Canada. Waxa kale oo uu ogyahay inaan Toronto ku leeyahay hanti-ma-guurta ( Real Estate ) oo ka qiimo badan $ hal Million oo haddii aan rahmo aan heli karaayo $ 800,000. Asagoo intaas oo dhan la socda ayuu hadana faafiyay sheeko rakhiis ah oo nuxurkeedu ahaa “ Col. Caare ayuu lacag ka dhacay oo guryo ku distay “.
WHITE HORSE HOTEL & APTS.
Designka waxa la sameeyay 2017, dhismaha waxa la bilaabay June,2018 , xilkana waxa lay magcaabay April,2018.

Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, warqad qoraal ah ayaan ugu gudbiyay designka, qiimaha dismaha iyo halka ay lacagtu taallo. Waxaan ka helay ogolaansho . Markii seeska la jeexaayay ( size ) Abtigay Sheikh Axmed ayaa ku akhriyay quraan casharna wuu ku saydhay si aanay isha xun iyo xasadku ugu dhicin. Amarka ilaahay, dacaayadda Axmed Naasir Jibriil waxay isu rogtay xayaysiis b ( Free Publilcity ), ilaahay khayrkeeda ha nasiiyo.
Hadaba aniga oo ka faidaysanyaa xayaysiiskaas, waxa White Horse Hotel la furayaa Bisha Nov,2019, haddii alla idmo. Wuxuu caasimadda kusoo kordhin doona bilic iyo qurux. Wuxuu ka koobanyahay 2 bedroom flats, One bedroom Flats, VIP & Single Rooms, Meeting Halls, GYM & Sky-view Cafteria. Waxa dushiisa sare lagu rakibo doona TELESCOPES lagu daawado daruuraha, dayaxa, laxaha iyo meerayaasha Cirjeed, Arun, Docay, Raage iyo kuwo kale. Qorbajoogta oo aanay ku jirin qirinqiirku, waxa loo samayn doona qiimo dhimis khaas ah “ Especial Discount “ , Insha allaah. Oday Axmed Naasirna waxa la siin doona VIP Room muddo 10 cisho.