Daawo Sawirrada Soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland ee Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland iyo Kuxigeenkiisa iyo Bambowda oo Madaarka ku qaabbilay
Madaxweynaha Somaliland iyo Kuxigeenkiisa iyo Bambowda oo Madaarka ku qaabbilay

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiintii ku wehelinaayey gudashada waajibaadka Xajka, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumada, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland iyo Kuxigeenkiisa iyo Bambowda oo Madaarka ku qaabbilay
Madaxweynaha Somaliland iyo Kuxigeenkiisa iyo Bambowda oo Madaarka ku qaabbilay

Waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku wehelinaayey madaxweynaha Somaliland, isagoo ka hadlay wasiirku arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kulamo ay la yeesheen madax ka tirsan dawladda Sucuudiga ka dib markii ay soo guteen waajibaadkooda xajka.

Haddaba, waxaan aftahannews.com idiinku soo gudbinaynaa sawirrada kala duwan ee soo degistii Madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ee ka bogasho wacan:-

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.