Dawladda Soomaaliya oo shaacisay Xujeyda Soomaalida ee ku geeriyooday sannadkan Xajka

Makka (Aftahannews)-  Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday xujeyda Soomaalida ee sannadkan ku geeriyootay xajka.
Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqiifta Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo warfidiyeenka kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in afar xujey Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Xajka sannadkan, wuxuu inta ku daray Allaha u naxaristo marxuumiinta in saddex ka mid ah ay ahaayeen Dumar, halka midka kale uu ahaa Rag, balse lama soo bandhigin magacyadooda.
Wasiirka, waxaa kalo uu sheegay in ay hubin doonaan sheegashooyinka ku aaddan in tiradda dhimashada ay inta ka badan tahay, Waxaana warbixinta wasaaradda lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay sannadkan ku lahayd Xajka qoondo gaadheysa 11,500 xaaji, oo acmaasha gutay.
Sheekh Nuur, waxaa kalo uu sheegay inta badan Xujeyda sannadkan inay heleen deegaan wanaagsan, iyaga oo ku dhawaa Xaramka, marka laga reebo kuwa 200 ama 400 km u jiray, wallow muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada lagu arkay Xujey ka cabaneysa dhanka deegaanka.
Sannadkan waxa ku cusbaa Xujeyda Soomaalida ayaa ah inay dalka ka qaateen dal ku galka, galka sanadihii ka horreeyay ay waddamada deriska ka qaadan jireen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.