Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo golaha Ammaanka horgeeyey warbixin ay ku jirto Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay António Guterres,  ayaa warbixin dheer oo uu u gudbiyey Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay ku soo qaaday tallaabadii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi xukunkii degdega ahaa kaga qaaday saddex degmo oo ka tirsan  Gobolka Sanaag.

Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland oo soo xigatay warbixinta Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaanu caddeeyey in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu qaaday dhawaan xukunkii degdega ahaa ee uu ku soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag, kadib markii shaqaaqooyin beeleed ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolkaasi isla markaana ay ku dhinteen 18 qof.

Waxa kaloo warbixinta Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay lagu sheegay in Somaliland ay gaashaanka ku dhufatay Guddi uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo u xil-saaray wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa kaloo warbixintaasi xambaarsanayd khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dawladda itaalka daran ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah  dawladaasi iyo doorashooyinka murugsan ee Maamul-goboleedyadaas.

Waxa kaloo Xoghayaha Qarammada Midoobay uu ka hadlay halista kooxda Alshabaab ku hayso Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.