Raysal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte oo Is-Casilay

Roma (Aftahannews) – Raysal Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay isaga iyo xukuumadiisa.

Mr Conte ayaa sheegay inuu si rasmi ah xilka ugala wareegi doono xilkiisa madaxweynaha, Sergio Mattarella, ka dib markii la soo gabagabeeyey doodii ka dhacday aqalka Senate-ka Salaasadii maanta.

Raysal Wasaaraha xilka ka dagay ayaa sheegay in Salvini oo ah, Raysal Wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arimaha gudaha, uu khiyaameeyay muwaadiniinta Talyaaniga ka dib markii uu ku gacan seydhay isbahaysiga dagaalka weyn ee xisbiga dhexdiisa la galay koox la magac baxday Five Star Movement (M5S) horaantii bishan.

Waxaana la filayaa in Salvini uu diyaar u yahay xiligan inuu ka faa’ideysto xilkaasi uu baneeyey Raysal Wasaaraha dalka Talyaanigu.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.