Jabuuti oo Soomaaliya ka Dalbatay inay ka taageerto ololaha ay ugu jirto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Madaxweyneyaasha Somalia and Djibouti
Madaxweyneyaasha Somalia and Djibouti

Djibouti(aftahannews):- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Soomaaliya ka codsatay inay ka taageerto dadaalka ay Jabuuti ugu jirto sidii ay uga mid noqon laheyd dalalka xubnaha aan joogtada aheyn ee ka tirsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha Somalia and Djibouti
Madaxweyneyaasha Somalia and Djibouti

“Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Dalalka xubinta ka ah golaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ayaa waxay jagadan hayaan muddo labo sanno ah.

Arrintan ayaa kusoo aadeysaa xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya uu booqasho dalka Jabuuti, waxaa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Ismaaciil Cumar Geele.

Xigasho BBCSomali.com.