Nin Shacab ah oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Breaking_news-5

Laascaanood (Aftahannews) – Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay lagu dilay nin shacab ah, kaas oo ciidamada amaanka ee Somaliland oo iyagu habeenimadii u dambeeyey halkaasi ka waday hawlgalo lagu sugayo amaanka isla markaana lagu qabqabanayo dadka hubka sharci darada ah sita.

Wararka ayaa sheegaya in dad ka ag-dhawaa goobtii ninkaasi lagu dilay ay xaqiijiyeen in ciidamadu ay rasaas ku fureen ninkaasi oo watay gaadhi Nooho ah sidoo kalena sitay qorigiisa.

Inta badan deegaanada Bariga Somaliland ayaa wax iska caadi ah in qaar ka mid ah shacabku ay iska sitaan hubkooda.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.