Wasiirka arrimaha dibedda Qadar oo booqasho ku tagay Muqdisho (SAIRRO)

Muqdisho (Aftahannews) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda, ahna Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Qadar ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Weftigan uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu hor-kacayey Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Weftiga ayaa markii ay soo dageen waxa loo soo galbiyey Xafiiska Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre kaasi oo kulan la yeeshay Weftiga uu hoggaaminayo Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Madaxda dawladda Qadar ka socota oo uu ka mid yahay Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaadhiinta iyo Dekedaha dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa kulanka ay la yeesheen Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay kaga wada-hadleen arrimo ku saabsan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka labada Dawladood ka dhexeeya, waxayna ballan-qaadeen inay bilaabayaan dhismaha Dekedda Magaalada Hobyo ee Maamul-gobolleedka Gal-mudug.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.