Nin Maxkamadda Sare ee Puntland Ka hor Qirtay inuu ka Qaybqaatay Kufsiga iyo Dilkii Caa’isho Ilyaas

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Puntland oo Nin ka hor-qirtay Kufsigii Caa'isha Ilyaas 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Puntland oo Nin ka hor-qirtay Kufsigii Caa'isha Ilyaas 2019

Garoowe(aftahahnnews):- Maxkamadda sare ee Puntland, ayaa Sabtidii maanta u fadhiisatay Kiiska Kufsigii Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 12-jir ah oo inta lagu kufsaday magaalada Gaalkacyo, haddana la dilay oo Meydkeeda gurigooda agtiisa lagu tuuro horraantii sannadkan. Hase-yeeshee, Nin ka tirsanaa dadka dilkaa iyo kufsigaa ku eedaysnaa, ee ay hore loo xukumay, ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay in isaga iyo Rag kale falkaa geysteen.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Puntland oo Nin ka hor-qirtay Kufsigii Caa'isha Ilyaas 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Puntland oo Nin ka hor-qirtay Kufsigii Caa’isha Ilyaas 2019

Xukunkii ay horay Maxkamadda derajada koowaad iyo Maxkamadda Racfaanka Puntland ugu rideen Raggii ku eedeysnaa falkaas, ayaa laga qabay dood, balse waxaa maanta mar qudha isbeddelay sida ay wax u socdeen, kaddib markii Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame uu sheegay in uu ka qeyb-qaatay kufsiga Caa’isho, hal marna uu u galmooday.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen Nin kale, oo aan weli gacanta lagu soo dhigin iyo mid maanta Maxkamadda lala geeyey oo ay markii hore wada dafirsanaayeen, iyaga iyo eheladooda oo ku doodayey inaanay wiilashoodu falkaas geysan.

“Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caa’isha kufsaday, una tagay hal mar.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xareed oo ah Xeer-ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland oo Warbaahinta la hadlay.

Waxaanu intaas ku daray; “Hore waa loo sameeyay baadhitaanno badan, laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta lagagama soo saari karo, gacantana intaan afkiisa gelinno kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa.”

Eedeysanaha saddexaad oo isna maanta Maxkaadda la hor geeyay, ayaa sheegay inaanu wax lug ah ku lahayn falka lagu kufsaday, laguna dilay Caa’isho Ilyaas.

Qareennada u doodayay saddexda eedeysane, ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Cabdifataax ku qirtay arrinta, inkastoo ay hore ugu doodayeen in eedda loo jeedinayay aanay waxba ka jirin.

Kiiskan la xidhiidha kufsiga Caa’isho, ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii Maxkamadda sare ee maanta uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, waxaanay dhacdadaasi ahayd mid naxdinteeda leh oo Bulshadu aad uga xumaatay, ugana hadashay.

Maalinta Isniinta ah, ayaa dib la isugu soo laaban doonaa dacwaddan, sida uu Garsooraha Maxkamaddu sheegey. Caa’isho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir, ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wakhti ay hooyadeed adeeg u diratay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.