Madaxweynaha Maamulka Puntland oo markii u horeysay wada-hadal ugu baaqay Somaliland

Madaxweyne Siciid Deni
Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ugu baaqay Somaliland wada-hadal, isagoo marka hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigay buug ka hadlaya nabadda Soomaaliya.
“Farriinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Somaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey, wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” ayuu yidhi Madaxweyna maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa baaqan u diray Somaliland ayaa ku muransan gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana Dawladda Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland laba mar uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii Ciidamada Dawladda Somaliland ay qabsadeen magaalada Tukaraq January 2018kii.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.