Somaliland: Dood ku Saabsan dib-u-dhaca doorashooyinka oo dhexmartay Kulmiye, UCID iyo Waddani

Hargeysa (Aftahannews)- Masuuliyiinta sadexda Xisbi ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa maanta loo qabtay dood kulul oo ku saabsan dib u dhacyada soo noqnoqday ee ku imanaya doorashooyinka goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland.

Doodan oo ay Idaacada VOA u qabatay Sadexda Xisbi ee Somaliland waxa ka qayb galay Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANIi Khadar Xuseen Cabdi iyo Murahax ku xigeenka Xisbiga UCID Prof, Axmed Cabdi Muuse (Abyan) iyo Siyaasi Yuusuf Cismaaan Garas oo isagu xilal Wasiir ku xigeen ka soo qabtay Xukuumadii Axmed Siilaanyo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.