Soomaaliya: Duqeyn lagu dilay 21 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanka oo taageerro siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada Mubaarak iyo Janaale

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa u sheegay Idaacada Ciidamada in duqeynta ka dhacday saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 ka tirsanaa dagaalyahannada Ururka Al-shabaab oo isugu jiray sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Soomaaliya iyo Ajnabi.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaa ku daray in duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada Marka, isla markaana lala eegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana  lagu gadhsiiyay.

Al-Shabaab weli kama hadlin warkan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.