Ilhaan Cumar oo ka hadashay Xayiraadda Israa’iil saartay iyada iyo Xildhibaan Rashida

Washigton (Aftahannews)- Ilhaan Cumar ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso tallaabada Israa’iil ay ugu diiday in dhulkeeda ay galaan iyada iyo xildhibaan kale oo lagu magacaabo Rashida Dhaalib.

“Xubin ahaan oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda (Congress-ka), waa shaqadeyda in aan la socdo kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha ee daafaha caalamka”, ayey Ilhaan ku qortay warbixin ay ku baahisay boggeeda Twitter-ka.

“Xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka”.

“Waxaa wax laga xumaado ah in arrintan ayna la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah uga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tidhi Ilhaan.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Israa’iil ay xayiraad kusoo rogtay laba gabdhood oo ka tirsan aqalka Congareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleecayn jiray Israa’iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib ayaa lagu waday toddobadka soo socda inay booqasho ku tagaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Qudus.

Labadan gabdhood ee ka wada tirsan aqalka Congareska ayaa taageeray tallaabo cunaqabateyn lagu saarayo Israa’iil balse sharciga Israa’iil ayaa ogolanayaa in tageerayasha ololahaas in laga mamnuuci karo inay booqasho ku tegi karaan Israa’iil.

Madaxweyne Trump ayaa horraan ku baaqay in labadan xildhibaan laga mamnuuco inay booqdaan Israa’iil isla markaasna ay neceb yihiin Israa’iil iyo dadka Yuhuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku tilmaantay tallaabada Israa’iil “Inay ku tumaneyso mabaadii’da dimuqraadiyadda, waana jawaab laga naxo in saraakiil ka tirsan dowladda in laga mamnuuco inay booqasho ku tegaan dal saaxib la ah”

Trump waxaa uu sheegay in khalad weyn ay tahay waa haddii Ilhaan Cumar iyo Rashid Taib loo ogolaado inay booqdaan Israa’iil.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib waxay labaduba ay ka wada taageersanyihiin qadiyadda reer Falastiin, waxaa ay kasoo horjeedaan Israa’iil balse waxay beeniyeen inay neceb yihiin dadka Yuhuudda.

Rashiida waxay qorsheyneysay inay booqato ayeeydeed oo ku nool maamulka Falastiin.

Sharciga Israa’iil waxaa uu dhigaya in dal ku-galka aan la siin karin qof kasta oo shisheeye ah oo wado olole looga soo horjeedo Israa’iil ha ahaato mid dhaqaale, dhaqan ama waxbarasho.

Waxay qorsheynayeen inay booqdaan Israa’iil, sidoo kalena ay la kulmaan ururada u doodo Falastiin.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.