Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Hay’addaha Dawladda

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hiirtii hore ee saaka kormeer shaqo kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha qaranka iyo hay’addaha madaxa bannaan ee dawladda, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqadu ugu socoto xarumahaas.

Kormeerkan kediska ah ee uu ku simaha madaxweynuhu kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha kala duwan ee qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan oo ujeeddadiisu ahayd inuu u kuurgalo hannaanka shaqo ee ay xarumahaasi ugu adeegaan shacabka, ayuu kusoo daraaseeyey habka ay shaqadu u socoto, isaga oo masuuliyiinta kala duwan ee xarumahaasna ka dhegaystay warbiximo la xidhiidha hannaanka shaqada.

Dhammaanba xafiisyada kala duwan ee xarumaha uu madaxweyne-ku-xigeenku booqday, ayuu mid mid u galay, waxana uu madaxda kala hooseeya ee xafiisyadaas ku qoran uu ka dhegaystay shaqooyinka ay goobahaas ku qabtaan iyo muhiimadda ay leeyihiin, agabka yaalla iyo shaqaalaha ka hawlgala.

Masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha uu madaxweyne-ku-xigeenku kormeeray oo diyaar ku ahaa goobahooda shaqo, ayaa halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubno katirsan madaxtooyada oo wehelinayey, waxana kormeerkaasi markii uu soo dhammaaday warbaahinta uga warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Kormeerkan kediska ahi waxa uu ku saabsanaa inuu u kuurgalo shaqooyinka ka socda wasaaradaha iyo adeegga ay bulshada siinayaan hawl-wadeennada wasaaradahaas ku sugnaa, arrintanina waxa ay muujinaysaa sida hagar la’aanta ah ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici ay qarankooda ugu hagar baxayaan, dadkan iyo dalkan ay masuulka ka yihiinna loo fidiyo horumarka iyo ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE.”

Xarumaha wasaaradaha uu madaxweynuhu tegay, ayaa waxa kamid ahaa Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, horumarinta caafimaadka, Waxbarashada iyo Sayniska, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka iyada oo xarunta wargeyska DAWAN oo kamid ah waaxyaha ay leedahay wasaaradda Warfaafinta iyo xarunta madbacadda qaranka oo ah hay’ad madax bannaanna uu madaxweyne-ku-xigeenku soo kormeeray iyo Boosaha, isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda oo u wasiirku sharxaad ka siiyey madaxweyne ku xigeenka qalab loogu talo galay la Socodka Dhaq-dhaqaaqa Shirkadaha Isgaadhsiinta, qalabkaas oo ka kooban server-ada iyo system-yada xogta lagu maamulayo oo lagu kaydinayo Waxa dhamaaday wajigii koobaad oo ah rakibidda waxana lagu jira wajiga labaad oo ah ka shaqaysiinta system-ka. Markii kormeerkaasi soo dhamaadayna waxa warbaahinta la hadlay oo faahfaahin ka siiyey ujeedka kormeerka Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.