Maraykanka oo dalkiisa ka mabnuucay Taliyihii Sirdoonka Suudaan

Khaartuum (Aftahannews) – Dawladda Maraykanka ee Dalkeeda ka mabuucday inuu soo galo Taliyihii hore ee Sirdoonka dalka Suudaan.

Go’aanka Dawladda Maraykanka oo soo baxay Arbacadii Shalay, ayaa lagu sheegay sababta looga mabnuucay Salah Ghosh inuu galo Dalka Maraykanka inay tahay in intii uu xilka hayey ku kacay Xad-gudubyo, sida Toojar.

Salah Ghosh ayaa xilka Taliyaha Sirdoonka Suudaan hayey muddo dheer, laakiin wuxuu xilkaa iska casilay laba Maalmood ka dib, markii Millaterigu xukunka ka tuuray Madaxweynihii muddada dheer Suudaan Xukumayey, Cumar Xasan Al-bashiir.

Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay inay hayaan xog ah in Mr. Salah Ghosh uu ku lug lahaa Toojar Dad loo geystay muddadii uu xilka Hay’adda Sirdoonka Dalka Suudaan ee Magaceeda loo soo gaabiyo, NISS.

Pompeo ayaa sheegay in Ghosh oo Magaciisa oo dhamaystiran yahay Salah Abdallah Mohammed Salih inaanu u qalmin in isaga, Xaaskiisa iyo Inantiisu soo galaan Maraykanka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.