Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah oo lagu dhawaaqay, Ardayda gudubtay iyo Kuwa dhacay

Hargeysa (Aftahannews) – Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay Natiijada imtixaannaadka Qaranka ee Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo ay hareero fadhiyaan Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaraddaasi, ayaa sheegay inay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe ay sannadkan u fadhiisteen, 19,874 Arday isla-markaana ay gudbeen 17,038 Arday, halka ay ka dhaceen, 2,562 Arday, waxaanu sheegay inay Imtixaanka aanay gelin 274 Arday oo ka habsaamay.

Dhanka kale, Imtixaannaadka Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare ayuu Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax uu sheegay inay u fadhiisteen Arday Tiradoodu gaadhayso 9,691, waxaana gudbay 8,787 Arday, halka ka dhaceen 723 Arday, taasina waxay ka dhigan tahay ayuu sheegay Daa’uud Axmed Faarax inay sannadkan gudbeen dalka oo dhan 92% Arday.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.