Barcelona iyo PSG oo kulan ka yeeshay arrinta Neymar

Paris (Aftahannews)- Mas’uuliyiinta labada kooxood ee kala ah Paris St-Germain iyo Barcelona ayaa markii ugu horreysay kulmay, si ay uga wada hadlaan la wareegitaanka Weeraryahanka PSG iyo Brazil, Neymar oo 27 jir ah.

Hase yeeshee ma jirin wax heshiis ah oo lagu gaadhay kulankan oo socday muddo 3 saacadood ah, sida uu shaaciyay wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa Faransiiska.

Barca ayaa diyaar u ah inay PSG siiso lacag dhan 93 malyan oo gini isla markaana ay u raaciso labada ciyaartooy ee kala ah Philippe Coutinho iyo Ivan Rakitic, si loo siiyo Neymar.

Coutinho oo ay da’diisu tahay 27 sano, weerarkana ka ciyaara ayaa u dhashay isla dalka Brazil, halka Rakitic oo ah 31 khadka dhexe ka ciyaara uu u dhashay dalka Croatia.

Sida uu qoray wargeyska arrimaha ciyaaraha ka faallooda ee Mail, PSG ayaa dhankeeda dooneysa lacagtaas iyo ciyaartoydaas lasoo xusay loogu sii daro daafaca 25 jirka ah ee lagu magacaabo Nelson Semedo, kaasoo u dhashay dalka Boortaqiiska.

Warar kale ayaa sheegaya in Barca ay damacsan tahay inay xagaagan Neymar kula soo wareegto heshiis deyn ah, kahor inta ayna toos uga iibsanin PSG, maadaama ay xurguf soo kala dhex gashay ciyaartoyda iyo kooxda uu hadda la joogo.

Messi oo aan ka qeyb gali doonin kulanka furitaanka Horyaalka

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa loo badinayaa inaanu ka qeyb gali doonin kulanka ugu horreeya ee ay kooxdiisa ku furi doonto horyaalka Laliga.

Captain Messi ayaa maanta la arkayay isagoo si gaar ah u tababaranaya, kaligii. Wuxuuna isku dayayaa inuu kasoo kabto dhaawac kasoo gaadhay muruqa dambe ee lugta, sida ay Barcelona xaqiijiyay.

Barca ayaa maalinta Jimcada ah kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka kula ballansan Kooxda Athletic Bilbao.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.