Itoobiya: Natiijada Imtixaanaadka Fasallada 12-Aad oo dib loo eegayo

Addis Ababa (Aftahannews) – Muran ayaa ka taagan Natiijada Imtixaannaadka heer Qaran ee Fasallada 12-aad ee Dugsiga Sare ee Dalka Itoobiya.

Wakaaladda Imtixaannaadka Qaranka ee Dalka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay Natiijooyinka ka soo baxay Imtixaankii kama dambaysta ahaa ee Fasallada 12-aad ee Dugsiyada Sare, laakiin Natiijooyinkaasi ayaa waxa ku qanci waayay Ardaydii gashay iyo Waalidiintooda, taasina waxay abuurtay Jaho-wareer.

Cabashooyin Natiijada Imtixaannaadka ay ka soo celiyeen Ardayda iyo Waalidiintooda ayaa keentay in Wakaaladda Imtixaaannaadka Qaranka ee dalka Itoobiya ay dhegaysato Cabashooyinka, markii ay ku qanacday Cabashooyinka Ardaydana waxay samaysay ballan-qaad.

Wakaaladda ayaa Arbacada Maanta shaacisay inay dib u eegayso Natiijada Imtixaanka Fasallada 12-aad ee dugsiyada sare ee ay ardaydu ka biyo-diideen.

Wakaaladda Imtixaannaadka ayaa sheegtay inay Maalmo kooban dib ugu eegi doonaan natiijada Imtixaanka Fasallada 12-aad, wixii ka soo baxana ay Ardayda iyo Waalidiinta la wadaagi doonaan.

Imtixaanka Natiijadiisa dib loo eegayo, ayaa waxa la shaaciyey Salaasadii Shalay.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.