Maxaa keenay Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO SOOMAALIYA KA TIRSAN OO KULMAY 2019 AT MAKKAH
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO SOOMAALIYA KA TIRSAN OO KULMAY 2019 AT MAKKAH

Makkah(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa, ayaa kulan la qaatay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya, sida laga dheehday amma laga arkay Sawir aad loogu baahiyey baraha Bulshada ee Facebook iyo Twitter 20-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO SOOMAALIYA KA TIRSAN OO KULMAY 2019 AT MAKKAH
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO SOOMAALIYA KA TIRSAN OO KULMAY 2019 AT MAKKAH

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Illaa hadda Xukuumadda Somaliland faahfaahin rasmi ah kamay bixin waxa kulankaasi daarranaa amma ujeeddadiisu ahayd. Hase-yeeshee, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban iyo sawirrada kulankaas dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Safarkiisa Xajka ku weheliyey, waxaanu sheegay in la gaadhay waqtigii ku habboonaa in Soomaalidu dib-u-heshiisiin dhab ah iyo nabad ku wada noolaan lahaayeen, isla markaana uu ku yimi kulankani farriin Xaramka ka timi.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta & dib-u-heshiisiin. Tani waa farriinta ka socota dhammaan Xajka ee Haram-ka, iyadoo aan loo kala hadhin. Hadda waa waqtigii ku habboonaaye, aynu dhammaanteen ku wada dedaalno istiraatiijiyad run iyo dib u heshiisiin macno leh ah. Tani waa farriinta ka socota Haramka!” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Kulankan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan iyo Wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka tirsan, ayaa lama filaan ku noqday waqtigan bulshada, iyadoo bilihii inna dhaafay ay xaaladda siyaasadeed iyo xidhiidh ee Somaliland iyo Soomaaliya cirka isku shareertay, ka dib markii Soomaaliya sheegtay inay xidhiidhka u jartay dowladda Guine Conakry ee Galbeedka Afrika, wakhti uu bishii hore halkaas safar ku tegay Madaxweynaha Somaliland.

Inkasta oo intii Madaxweyne Biixi xilka qabtay, markasta oo uu hadlo weedho kulul iyo hadallo badi qadaf iyo inay diblamaasiyadda ka maydhan yihiin lagu tilmaamay oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo Madaxda hoggaamisa uu jeedin jiray, haddana xaaladda waxa sii huriyey xidhiidh u jarista Guinea iyo Shuruud Sucuudigu ku xidhay Xoolaha dhulka Soomaalida ka dhoofayaa inay ku baxaan Shahaadada Caafimaadka ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha federaalka Soomaaliya.

Hase-ahaatee, Xukuumadda Somaliland, ayaa amarkaas ku gacan-saydhay, isla markaana waxay taasi keentay in Markabkii u horreeyey ee xoolo ka qaada Berbera mooshinkii xajka lagu xannibo Dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga markii shahaadada laga rabay laga waayey, waloow markii dambe dowladda Soomaaliya fardaamisay, markabkaas iyo kuwii ka dambeeyey ee Xajka oo Sucuudigu ku qancay in caafimaad ahaan loo hubiyo, balse shahaadadaas ay hore ugu heshiiyeen Soomaaliya iyo Sucuudiga dib loo dhigo inta xoolaha xajku socdaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.