Xuutiyiinta Yemen oo Diyaarad ku Weeraray Garoon ku yaalla Gudaha Dalka Sucuudiga

GAROONKA DIYAARADAHA EE ABHA EE DALKA SUCUUDIGA
GAROONKA DIYAARADAHA EE ABHA EE DALKA SUCUUDIGA

Abha(aftahannews):- Xuutiyiinta dalka Yemen ka dagaallamay, ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee Koonfurta-galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

GAROONKA DIYAARADAHA EE ABHA EE DALKA SUCUUDIGA
GAROONKA DIYAARADAHA EE ABHA EE DALKA SUCUUDIGA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbaahinta dowladda Sacuudiga weli kama hadlin weerarkan, islamarkaana saraakiisha Sacuudiga ayaan si deg deg ah jawaab looga heli karin. Xuutiyiinta oo maamula magaalada caasimadda u ah Yemen ee Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii dhowaa sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Haddaba, Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen oo taas ka jawaabayaa, waxay beegsadeen goobo millitari oo ay kooxdan leedahay, gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka Sanca. Weeraradan ayaa sii adkaynaya dadaallada nabadeed ee Qaramada Midoobay ay hoggaamineyso.

Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo sidoo kale taageero ka hela reer galbeedka, ayaa faro-geliyey Yemen sanaddii 2015, si ay isugu dayaan inay xukunka kusoo celiyaan dowladda Yemen oo xukunka Sanca ay ka tuureen Xuutiyiinta.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, wuxuuna malaayiin reer Yemen ah qarka u saaray macluul. Marar kala duwan oo hore, ayey Xuutiyiintu duqaymo ka geysteen gudaha Sucuudiga, iyaga oo isticmaalay gantaalaha riddada dheer.

Xigasho VOASomali.com.