Wasiirka Deegaanka Somaliland Maxay ka Tidhi inay Dalka Ka Dhoofinayso Libaaxyo?

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay inaanay jirin Libaaxyo ay dhoofinayaan wasaarad ahaan, ka dib markii uu Mahad Faarax oo Xuquuqda Duur-joogta u dhaqdhaqaaqaa ku eedeeyey inay wasaaradda deegaanku laba Libaax iibisay oo ay dalka dibeddiisa u dhoofinayso.

Wasiir Shugri Baandare oo maanta u warrantay Baddacas24TV, ayaa sheegtay in labadaas libaax oo ay waqti bilo ka hor ah ku qabteen Dad doonayey inay iibiyaan, waxay tilmaantay in labadaas Libaax midkood dhintay, balse mid noolyahay oo uu illaa lix bilood jiro, isla markaana aanay jirin meel ay ku iibiyeen iyo dibed ay u dhoofinayaan toona.

Shugri Baandare oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaysa, kana jawaabtay su’aalo kala duwan oo TV-gu weydiiyey, waxaannu warkeeda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.