Safiirka Jabuuti ee Somaliland oo Cawaale Aadan Qado-sharaf Ku Maamuusay iyo Hadalladooda

Hargeysa(Aftahannews):- Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee fadhigeedu yahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa Qado-sharaf ku maamuusay Fannaanka Cawaale Aadan oo ay weheliyaan Muusishannada Maxamed Alta iyo Ilyaas Idiris oo shalay lagu soo dhaweeyey Hargeysa oo uu Fannaanku Bandhig-faneed ku qaban doono 15-ka bishan August ee aynu ku jirno.

Fannaanka Cawaale Aadan iyo Muusishannada la socda, ayaa ka mahad-celiyey sida Safiirka dowladda Jabuuti u maamuusay iyo sida dadka reer Somaliland ay ugu soo dhaweeyeen Hargeysa markii ay shalay soo gaadheen ka dib, iyagoo tilmaamay inaanay wax lagu qiimayn karaa jirin sida loo sharfay oo ay tilmaameen inay aad uga mabsuudeen.

Haddaba, Safiirka, Fannaanka iyo Muusishannadu Qadada ka dib hadal ay halkaas ka jeediyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.