Cirro Muxuu ka yidhi Kulanka dhex-maray Madaxweyne Biixi iyo Wasiirrada Soomaaliya?

Hargeysa(aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay siduu u arko kulanka sawirradiisa la helay ee Xaramka ku dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada arrimaha dibedda iyo maaliyadda ee federaalka Soomaaliya.

Cirro waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqada aan dhammaadka lahayn ee Ceel-afweyn oo shan qof shalay ku dhinteen, shan kalena ku dhaawacmeen ka dib markii dabley hubaysani weerartay Kaalin Shidaal oo ku taalla magaaladaas. Dib-u-dhaca doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka ee ay maalmo ka hor shaaciyeen guddiga doorashooyinka Somaliland iyo khilaafka ka taagan arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.