Ceel-afweyn: Tirada Dadka ku dhintay Weerar Dabley Hubaysani ku qaadday Kaalin Shidaal – Waraysi

Ceel-afweyn(aftahannews):- Ugu yaraan Shan Qof, ayaa ku geeriyooday, shan kalena way ku dhaawacmeen, weerar Dabley hubaysani ku qaadday Kaalin Shidaal oo ku taalla magaalada Ceel-afweyn.

Duqa magaalada Ceel-afweyn, ayaa Baddacas24TV uga warramay weerarkaas iyo siduu u dhacay, waxaanu sheegay inay ku dhinteen shan ruux oo saddex ka midi Haween yihiin, halka ay shan qof oo kale oo Dumar ku jiraanna ku dhaawacmeen weerarkaas oo uu sheegay in Dabley hubaysani ku soo qaadeen magaaladaas Kaalin Shidaal oo ku taal.

Haddaba, Maayerka degmada Ceel-afweyn oo arrimahaas uga warramaya Weriyaha Ceerigaabo ee Baddacas24 Tv Siciid Qurbaawi, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.