“Weli May dhicin Xukuumadihii jiray in Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweynuhu Ummadda u Shiraan oo Hantida..” Sh. Aadan-Siiro

Filed under: Daba-galka Xogaha Qarsoon,Wararka |

Hargeysa(aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Maanta oo Ciiddii Carrafo dunida Islaamka la tukaday Hargeysa warbaahinta kula hadlay markii salaadda la tukaday ka dib, ayaa si adag u naqdiyey hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu tilmaamay inuu taladii dalka iyo dhaqaalihii waddankuba ku koobmay isaga, qoyskiisa iyo Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire.

Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro sheegay inuu diiday Madaxweynuhu inuu cid la tashado iyo inuu dhaqaalihii dalka furfuro, taasina ay sababtay inay ummadda Somaliland kala shakado oo dadka Hargeysa wada deggani is-aammini waayo oo la kala xan-qarsado, taasna aanu dalku ku sii jiri karin ee loo baahan yahay in Madaxweynuhu dadkiisa la tashado, dalka iyo dadkana si masuuliyad leh u hoggaamiyo muddada uu xilka hayo.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro), waxa uu tilmaamay inaan la aqbali karin in saddex boqol oo Guri oo Dad leeyahay loo xukumo Madaxweynaha iyo Qoyskiisa. Haddaba, hadalka Sheekh Aadan-Siiro oo dhammaystiran, dhinacyo muhiim ahna taabanaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login