Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Tacsi u diray Marxuum Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali oo ku geeriyooday Malaysiya

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2019, dalka Malaysiya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey dhaqaale yahan ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, gudoomiyena ka soo noqday baanka dhexe ee Somaliland.

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.