Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika (SAWIRRO)

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

Wafdiga ayaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.


Inkastoo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee wafdigan ka socda Midowga Afrika ay u tageen dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadana waxaa la ogyahay in labada dal ay u dhaxeyso xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay muranka badda.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.


Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliya ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.


Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

 

Aftahannews.com
aftahaninc@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.