Somaliland: Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 2019 ee 12-aad oo Maanta Furmay

Hargeysa (aftahannews):- MadaxweynMadaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si rasmi ah u furay Carwadahada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa 2019 oo ah sannadii 12-aad ee Hargeysa lagu qabto.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 2019
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 2019

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa International Book Fair oo sannadkan dalka Masar marti ku yahay, waxaa ka soo qaybgalay 92 Xubnood oo kala kala socda 23 dal, Safiirrada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabbilsan Midawga Yurub Nicolás Berlanga, Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat El-ginw, Qorayaal, Abwaanno, Hal-abuur kala duwan, Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Obama, Wasiirro, Xildhibaanno, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Ugu Horreyn, waxa Kulankaas Carwada 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeyas Jaamac Muuse Jaamac oo sharraxay martida joogta iyo waxay carwadan 12-aad kaga duwan tahay Bandhigyadii ka horreeyey.

Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay, Adna Aadan Ismaaciil, waxay ka sheekaysay arrimo kala duwan oo la xidhiidha heerka Carwada laga soo bilaabay iyo halkay marayso. Adma waxau ku dheeraatay taariikhda Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay u soo martay xornimadii lixdankii iyo halgankii ay midnimadii Soomaaliya kaga baxday 1991-kii iyo halka ay maanta marayso.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, ayaa soo dhaweeyey Carwadan Bandhigga Buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, waxaanu u mahadceliyey Xubnaha haga Bandhigga Buugaata iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Yurub Nicolás Berlanga, Jarmalka Ambassador Annett Günther iyo Ku-xigeenka Safiirka Masar Mohamed Emat, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana ammaanay doorka dhaqan ee ay qaadato Xarunta Dhaqanka Hargeysa, isla markaana sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalka Carwada Caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo sannadkii 12-aad si habsami ah uga furantay Hargeysa.

Gebo-gabadii waxa furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, oo halkaa ka jeediyey hadal uu ugu mahad-naqay marti-sharafta kala duwan, isla markaana kaga hadlay siday u kala duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

uHeesaha iyo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Qaarkood, ayaa lagu soo bandhigay intii qaybta hore ee Xafladda Bandhigga Buugaagtu socotay. Waxaana markaa ka dib loo gudbay Qaybaha kala duwan ee uu Bandhiggu u qorshaysnaa, iyadoo sidoo kale lagu dhegaystay dalka sannadkan Martida ku ah ee Masar Aqoonyahanno iyo Masuuliyiin ka socday.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.