Midowga Afrika oo wafdi sare u diray Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi

Muqdisho (Aftahannews)- Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, Thabo Mbeki ayaa ka degay magaalada Muqdisho.

Mbeki oo hoggaaminaya guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee Qaramad Midoobay, James Swan iyo u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Wafdiga ayaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica ay barteeda Twiter-ka ku soo qortay in wafdigaas herka sare ah ay ka wada hadleen ammaanka, xasiloonida iyo is dhexgalka gobolka.

”Waxaan kullan la qaatay Thabo Mbeki iyo wafdi sare oo uu hogaaminayay, sidoo kale wafdiga ayaa waxay la kulmeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kullankooduna waxaa diiradda lagu saaray nabadgelyada, xasiloonida, iskaashiga iyo is-dhexgalka gobolka geeska Afrika iyo badda cas”. Waxaa sidaas barteeda Twitter-ka kusoo qorta Monica Juma.

Inkastoo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee wafdigan ka socda Midowga Afrika ay u tageen dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadana waxaa la ogyahay in labada dal ay u dhaxeyso xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay muranka badda.

Qaar kamid ah warbaahinta ayaa kusoo warramaya in wafdigan ka socda Midowga Afrika ay Muqdisho iyo Nairobi u tageen sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen labada dal oo muran dhanka badda ah uu ka dhaxeeyo, waxaase aan la ogayn doorka ay ka qaadan karaan haddii ujeedkoodu noqdo sidii muranka badda miiska wadahadalka loogu xalin lahaa, maadaama Dowladda Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay in aanay wax gorgortan ah ka geli doonin arrinta badda.

Dacwadda la xidhiidha muranka soohdinta badda ee Soomaaliya iyo kenya ayaa haatan hortaala maxkamadda caddaaladda adduunka, waxaana dhageysiga dacwadda lagu wadaa in uu dhaco bisha Sabtembar ee sanadkan.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaadhayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal, ayna go’aan ka gaadhi karto.

War qoraal ah oo ay hore usoo saareen ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda.

Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta. Go’aankii hore ee maxkamadda wuxuu u dhacay sida ay Soomaaliya dooneysay oo ahayd in khilaafka aan lagu dhameyn wadahadal, oo maxkamadda ICJ horteeda lagu kala baxo.

Hasayeeshee maxkamadda ayaa meesha ka saartay dooddii Kenya ee ahayd in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay hore u wada saxeexdeen ee ahaa Isfahanka.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.