Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Madaxweynaha Puntland sii deynta Xubnaha xidhan ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso

Filed under: Wararka |
Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xidhiidhay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaadhsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xidhay khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Puntland in odayaashaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login