Kenya oo bilawday mashruuca Afrika ugu balaadhan ee Tamarka Laydhka laga dhalinayo dabaysha

Nairobi (Aftahannews) – Dalka Kenya ayaa maalintii Jimcihii u dabaal degay inuu noqdo dalka ugu weyn qaarada Afrika ee bilaabay mashruuc tamarta laydhka lagaga dhalinayo dabaysha, mashruucan oo ah mid balaadhan ayaa ka ugu weyn ka dhigaya baahida dalkaasi uu qabto tamarta Laydhka.

Waxaana mashruucan ku baxa lacag gaadhaysa $680 million oo dollar, oo lagu dhisayo 365-marawaxadaha dabaysa bariga dalkaasi ee Lake Turkana, iyadoo la filayo in mashruucaasi uu soo saaray 310 megawatts oo ah tamarta la cusboonaysiiyo oo laga hirgalinayo dalkan oo ku yaala dalalka Bariga Afrika ee dhaqaalahoodu sida xawliga ah u korayo.

Waxaana la filayaa hadii mashruucani uu guulaysto inuu noqonayo mashruucii ugu horeeyey ee shirkadd gaar loo leeyahay ay taariikhda dalka Kenya ay maalgaliso mashuura Laydhka Dabaysha laga dhaliyo oo dib u dhac uu ku yimid in dhulka sare ee roganka ah oo 600km waqooyi kaga beegan caasimada Nairobi laga sameeyo mashruucan.

“Maanta waxa aanu markale dhidibada u taagnay laydhkii tamarta dabaysha laga dhalinayey ee ugu weynaa Qaarada,” ayuu yidhi Madaxweyne Uhuru Kenyatta, mar uu booqday mashruucaasi, waxaanu intaasi ku daray “Kenya, shaki kuma jiro in ay noqon doonto meesha hogaamisa aduunka ee tamarta dib loo cusboonaysiiyo.”

Mashruucan dalka Kenya wado ayaa la kulmay caqabado badan oo ay ka mid ahaayeen maalgalinta laymamka dabka gudbiyo oo ay dhigaysay shirkadd laydh oo dawladu leedahay oo la yidhaa Ketraco, iyo dhibaatooyin kale oo la xidhiidhay dhinaca helida dhulka oo caqabad weyn ku noqotay mashruucaasi oo marar hore oo farabadana dib u dhac uu ku yimid.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.