Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo federaalka ku eedeyay inuu cunaqabateynayo Somaliland

Muqdisho (Aftahannews)- Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee  Baarlamaanka ee Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka eedeyay.
Xildhibaannada oo deegaan doorashadooda ay tahay gobolada Waqooyi ayaa dowladda federaalka ku eedeyay inay cunaqabateyn ku heyso shacabka deegaannada Somaliland.
Waxaa kalo xildhibaannada ay cambaareeyeen heshiis ay sheegeen dowladda federaalka inay la gashay Sacuudiga.
“Culeys gaar ah ayaa saarnaa Somaliland iyo ganacsatada gobollada waqooyiga  tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo.” ayuu yidhi xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Waxaa kalo uu inta ku daray in deegaannada Somaliland laga joojiyay hay’adihii gargaarka gaadhsiin jiray.
Gabagabadii, xildhibaannada ayaa beeniyay hadalkii ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo sheegay dowladda federaalka xidhiidh ay la sameysay Sacuudiga in lagu fasaxay markab xoolo sidey oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka dowladda inaanay wax lug ah ku lahayn.
Xildhibaannada ayaa eedeyay dowladda federaalka xilli toddobaadkii hore uu madaxweyne Farmaajo magacaabay guddiga dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada ee dowladda Federaalka iyo Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.