Daraasado iftiimiyey Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka aad loo Warshadeeyo iyo kuwa Waqtiga dheer

SALIIDAHA IYO CUNTOOYINKA AAD LOO WARSHADEEYEY OO DHIBAATO CAAFIMAAD SABABA
SALIIDAHA IYO CUNTOOYINKA AAD LOO WARSHADEEYEY OO DHIBAATO CAAFIMAAD SABABA

France(aftahannews):- Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka ama gabow degdeg ah ama geeri.

SALIIDAHA IYO CUNTOOYINKA AAD LOO WARSHADEEYEY OO DHIBAATO CAAFIMAAD SABABA
SALIIDAHA IYO CUNTOOYINKA AAD LOO WARSHADEEYEY OO DHIBAATO CAAFIMAAD SABABA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Sida lagu sheegay Daraasaddan oo ay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du soo turjuntay. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xidhiidhiyey cuntooyinka, sida aadka ah loo warshadeeyay waxaa ka mid ah wadno xannuunka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karto ee daraasadda lagu sheegay.

Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay Kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee dalka Brazil, ayaa sharraxaad ka bixineysa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka, ayaa ah kuwo aan wax warshad ah soo marin amma si aad ah loo warshadeyn, ka hor inta aan la warshadeyn cunnada waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha.

Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxaana ka mid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta.

Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha. Cuntooyinka la warshadeeyay, ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood.

Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan.

Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada. Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa ka mid ah;

Rootiga lasoo warshadeeyay

Cuntooyinka Sajilan

Caanaha qaar

Buskut-ka

Hilibka sajilan

Baradho Shiilan

Sharaabka

Cuntooyinka Shiilan ee cusbada badan

Digirta ku jirta weelka sajilan.

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan.

Burka amma daqiiqda haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas, waxaa uu ka mid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu daro waxyaabo kale amma kimiko waxay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

Daraasadda waxa lagu soo qaatay shan arrimood oo lagu garan karo cuntada aad loo warshadeeyey. Waxaanay ku talisay daraasaddu oo lagu yidhi; “Markasta eeg warqadda ku dheggan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.

Maaddooyin aanan aqoonsannin kuwa ay yihiin; waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah oo lagu dheereynayo cimriga sheygaasi si aanu u hallaabin. Badankoodu waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.

Iska eeg xadka amma cabbirka lagu xusey qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii duufanka iyo sonkorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midabbada (guduudka ah) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.

Haddii aad aragto cuntada cosobka ah, balse waqtiga ku qoran inay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.

Iska eeg haddii sheygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadiya kulaylka iyo haddii uu daasad ku jiro inaanay isla falgalin daasadda iyo cuntada ku jirtaa.

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.