Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Talooyin u Jeediyey Masuuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya iyo Markabkii Xoolaha ka qaaday Dekedda Berbera ee Jidda lagu xannibay.

MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-XASAN-SHEEKH-OO-CALANKA-KA-HADLAY
MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-XASAN-SHEEKH-OO-CALANKA-KA-HADLAY

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wakhtigan hoggaamiya mid ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya ka jira, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay inaanay siyaasadayn waxyaabaha nolosha bulshada taabanaya, halka uu Somaliland iyo Shacabkeedana ugu baaqay inay is-badh-qabtaan.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Shabakadda Facebook, oo uu kaga hadlay sida uu u arko Markabka xoolaha ka qaaday dekedda Berbera ee lagu xannibay dekadda magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga oo Shuruud kaga dhigay inaan la rogayn mar haddaanu sidan shahaadada caafimaadka ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha federaalka Soomaaliya, taas oo ay Somaliland-na diidday inaanay xooleheeda ku dhoofin doonin.

“Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay Markabka ay saaran yihiin 20-ka kun ee neef ee adhiga ah ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo Xoolaha.

Waa wax ay ka madhan tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanaya nolosha muwaaddinka caadiga ah, gaar ahaan arrinka markabkani, waxa uu si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbeddelka Cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Soomaaliya waxaan ku boorrinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland-na waxaan leeyahay “SII JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo ay dowladda Somaliland sheegtay in Markabkaas dedaal ka dib ay ku guulaysatay in la joojiyo, haddana waxay muujisay inay ka niyad-jabsantay Suuqa ugu weyn dunida ee Xoolaha Soomaalida loo dhoofin jiray ee Sucuudiga, iyadoo War-saxaafadeed shalay ka soo baxay shir degdeg ah oo ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland soo saareen, kaas oo lagu sheegay inay dowladdu ku dedaali doonto raadinta Suuqyo cusub oo ay Xoolaha u iib-geyso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.