Donald Trump oo si qaawan u weeraray Afar Haween ah oo Ilhaan ku jirto iyo Jawaabta Theresa May

XILDHIBAANNADA HAWEENKA AH EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO MADAXWEYNE TRUMP CAAYEY 2019
XILDHIBAANNADA HAWEENKA AH EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO MADAXWEYNE TRUMP CAAYEY 2019

Washington(aftahannews):- Madaxweyne Maraykanka Donald Trump, ayaa maanta mar kale weerar afka ah ku qaaday afar Xildhibaan oo Haween ah oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo aan caddaan aheyn, kuwaas oo ay ku jirto Ilhaan Cumar.

XILDHIBAANNADA HAWEENKA AH EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO MADAXWEYNE TRUMP CAAYEY 2019
XILDHIBAANNADA HAWEENKA AH EE BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO TRUMP CAAYEY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadal qoraal ah oo uu Isniinti maanta ku faafay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in afartaasi dumarka ah ay u gafeen Mareykanka, Israil iyo madaxtooyada.

TRUMP OO JAWAABO KULUL KU KASBADAY CAYDA DUMARKA
TRUMP OO JAWAABO KULUL KU KASBADAY CAYDA DUMARKA

Trump ayaa qoraalkiisa ku yidhi:”Goorma ayay dumarka xildhibaanada ah ee bidixda mayalka adage ee ku jira Koongareeska raalli gelin siin doonaan waddankeenna, dadka Israil iyo xitaa xafiiska madaxtooyada, sababo la xiriira luqadda khalan ee ay adeegsadeen iyo hadallada gurracan ee ay sheegeen. Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in dad badan ay mudanayaashani u careysanyihiin.

Hadalkaan ayaa imanaya maalin kaddib, marki uu madaxweyne Trump Axadi shalay ku weeraray bartiisa twitter-ka afartan mudane ee xisbiga dimoqraadiga kasoo gala Koongareeska. Wuxuu dhamaantood u sheegay in ay dib ugu laabtaan waddanada ay asal ahaan kasoo jeedaan, si ay u xalliyaan mushkiladaha dhinacyada maamulka, iyo danbiyada ee u sheegay in ay ka jiraan.

Mudanayaashan ayaa kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo dhamaantood ku dhashay Mareykanka, iyo Ilhan Omar timid dalkaan iyada oo yar. Hadalka Trump ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid ay ka buuxdo cunsuriyad.

Hase-yeeshee, Ra’isalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa si kulul u cambaareysay hadalka Madaxweyne Donald Trump uu Haweenka ka tirsan aqalka Koongreska Mareykanaka ee aan caddaanka ahayd ee uu ku yidhi; “Dib ugu laabta dalalkiinna aan dowladuhu ka jirin.”

Thresa May Raysal-wasaaraha UK ee shaqada ka sii tageysa, ayaa hadalka Mr Trump ku tilmaantay ‘mid aan la qabali karin’, sida ay sheegtay Afhayeen u hadashay Mrs May, iyadoo xustay inuu hadalkaasi cunsuriyad fool-xun oo uu Trump ku kacay yahay.

Musharraxa Madaxweynanimada ee xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadalka Trump ku tilmaamay cunsuriyad, halka uu xubinka matalaya xisbiga jamhuuriga uu Trump uu ka soo jeedo uu ka gaabsaday. Isaga oo taagan hadalka cunsuriyadda ee Madaxweyna Trump ayuu Subaxnimada Isniintana haddana Tweetarkiisa ku soo qoray iney haweenkaasi raalli gelin bixiyaan.

Waxa Trump la kulmay cambaarayn badan oo Dumar caan ah iyo dadka cunsuriyadda neceb ee dunida ku dhaqani si wayn u dhalliileen, isla markaana u cambaareeyeen midab-kala sooca iyo cunsuriyadda uu caddaystay Madaxweynaha Maraykanku.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.