Wadahadalka Caarre iyo Somaliland Halkuu Marayaa, Muxuuse ka yidhi Badhasaabka Sanaag?

Ceerigaabo (aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa ka hadlay halkuu marayo wadahadal u socda Jabhadda Kornayl Caarre iyo Somaliland, waxaanu sidoo kale ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee deegaannada ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee dhawaan beeluhu ku dirireen.

Guddoomiye Tiimbaro waxa uu sheegay in la mabnuucay in shacabku hub haystaan, isla markaana dawladdu hubka dhigis ku samaynayso dadka deegaanka oo uu sheegay inay qaarkood aqbaleen go’aanka dowladda ee wareejinta hubka gacanta shacabka ku jira.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Tiimbaro, oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Ceerigaabo, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.