Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay inay Suuq cusub u raadinayso dhoofka Xoolaha

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND EE XOOLAHA SUCUUDIGA LAGU XANNIBAY KA YEESHEEN 2019
SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND EE XOOLAHA SUCUUDIGA LAGU XANNIBAY KA YEESHEEN 2019

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ku guulaysatay in Sucuudigu dejiyo Xoolo ka dhoofay Dekedda Berbera oo ku xayirnaa Jiddah, sidaana waxa lagu sheegay shir degdeg ah oo aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Somaliland maanta yeesheen oo uu Madaxweyne Muuse Biixi guddoominayey.

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND EE XOOLAHA SUCUUDIGA LAGU XANNIBAY KA YEESHEEN 2019
SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND EE XOOLAHA SUCUUDIGA LAGU XANNIBAY KA YEESHEEN 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War-Saxaafadeedkan Golaha Shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Somaliland laga soo saaray ee soo gaadhay War-qabadka warbaahinta aftahannews.com, waxaa ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooayda Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu u dhignaa sidatan:-

“Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND EE XOOLAHA SUCUUDIGA LAGU XANNIBAY KA YEESHEEN 2019
GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaan-darro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.

Haddaba, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.”

Inkasta oo War-saxaafadeedkan lagu sheegay in Markabka Berbera Xoolaha ka qaaday ee maalmihii u dambeeyey Dekedda Jidda ku xayirnaa Xoolihii saarnaa la dejiyey, haddana warkan Golaha Wasiirrada laguma sheegin, inay xoolaha Somaliland ka dhoofaa si toos ah u tegi doonaan Sucuudiga Markabkaa ka dib iyo in kale.

Hase-yeeshee, waxa lagu xusay inay Xukuumaddu suuqyo cusub u raadinayso Xoolaha Somaliland, taasoo aan ahayn mid cusub, balse uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, saxaafadda u sheegay 21-ka bishii April ee sannadkan 2019-ka oo Wefti madaxweyne Muuse Biixi hoggaaminayaa, safar kaga soo laabteen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ay wada abuurayaan Shirkad ka shaqaysa dhoofinta Xoolaha oo Imaaraadka iyo Somaliland wada-yeelanayaan.  Codka faratoon. Balse, illaa hadda lama oga halka suuqaas iyo shirkaddaasi ay ku dambeeyeen, Xukuumadduna mar kale wax faahfaahin ah kamay bixin.

48-kii Saacadood ee u dambeeyey, ayey Dadweynuhu aad ugu dawakheen warar laba dhinac ka socday oo baraha bulshada la isku weydaarsanayey oo ay wadeen Kooxo dowladda taageersan iyo kooxo kale oo ku doodaya inay warar xog-ogaal ah soo xiganayaan oo nuxurka wararkooduna ahaa inay Somaliland ku guulaysatay dejinta Xoolaha Markabkaa saarnaa iyo inay Soomaaliya oo markii hore xayirtay sii-ddaysay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.