Somaliland oo Ka Hadashay Markab Xoolo ka Qaaday Berbera oo Sucuudiga lagu Xannibay iyo Sababta

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Markab Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera lagu xannibay Marsada magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, ka dib markii sida uu sheegay Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland ay xannibtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen in Markabkaas aan xoolihii saarnaa laga dejin weli ee uu xanniban yahay.

Warka shirka jaraa’id ee labadan Masuul iyo faahfaahinta ay warbaahinta la wadaageen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.