Waa Maxay Warbixinta Somaliland Laga Diyaariyey ee la geeyey Xarunta Qaramada Midoobay ee New York? Waraysi

MUSTAFE SACAD Dhimbiil in New York 2019
MUSTAFE SACAD Dhimbiil in New York 2019

New York (aftahannews):- Warbixin laga diyaariyey Sooyaalka Somaliland iyo halka ay maanta marayso dhinac kasta oo laga eego, ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Maraykanka, taas oo ay halkaas ku soo bandhigeen.

MUSTAFE SACAD Dhimbiil in New York 2019
MUSTAFE SACAD Dhimbiil in New York 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maalintii Arbacada kulan ka dhacay magaalada New York, ayaa lagu soo bandhigay Warbixin laga diyaariyey Somaliland oo ku saabsanayd Yoolasha Horumar Waara gaar ahaan Yoolka 16aad ee Somaliland.

Warbixintan oo ay diyaariyeen Isbahaysiga Yoolka 16aad ee Somaliland (Somaliland SDG16+ Coalition), ayaa warbixinta Somaliland waxay fursad u heshay inay ka mid noqoto afar dal oo si gaar ah warbixinnadooda loo dhegeystay.

Warbixinta waxaa kulankaas ka jeediyey xubno ka socday Somaliland oo ay ka mid yihiin Mustafe Sacad Dhinbiil, Cabdijaliil Daahir Afqarshe iyo Ismaaciil Xuseen Farjar oo dhammaantayo aan metelaynay Isbahaysiga Yoolka 16-aad ee Somaliland (Somaliland SDG16+ Coalition).

Dhegeysiga warbixintan ayay ka qaybgaleen diplomaasiyiin, hay’ado caalami ah iyo ururrada bulshada rayidka ah oo daafaha caalamka ka kala yimi.  Waxaana is hareer socday intii kulankii socday, in dad badani xiisaynayeen inay wax ka ogaadaan sheekada Somaliland, iyaga oo suaalo weydiinayey teamka.

Xarunta Center for Policy Analysis oo ka tirsan Somaliland SDG16+ Coalition, oo meteleysay SOMALILAND waxay ka mid noqotay 12 dal oo laga soo xulay 150 xubnood oo doonayey inay ka qaybgalaan kulan doceed ka dhacayey Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo lagaga hadlayey toddobaadada Yoolasha Horumarka Waara.

illaa 4 kulan ayaa Somaliland marti ku ahayd oo saddex ka mid ah ay haatan dhaceen. Mustafe Sacad oo ka ti rsan Dalladda SONSAF horena Guddoomiye uga ahaa iyo Cabdijaliil Daahir Afqarshe ayaan kulanadaas ka wada qayb qaadanaynay.

Waxaan shalay hadal ka jeediyey Machadka Nabadda ee Caalamiga ah, International Peace Institute aniga oo metelaya Somaliland. Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay fursad u heleen inay Qaramada Midoobay gaadhsiiyaan warbixin laga diyaariyey Yoolka 16aad “Somaliland SDG16+ Progress Report”.

Haddaba, bal warbixintaas iyo waxay daarrantay si aynu xogo dheeraad ah uga helno, waxa Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo Tifaftire ka ah Baddacas24 TV iyo Warbaahinta aftahannews.com, ayaa Khadka kula xidhiidhay Guddoomiyihii hore ee Dalladda SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka mid ah Xubnaha Warbixintaas ku soo bandhigay New York, waxaanu Waraysigaas oo dhammaystirani u dhacay sidatan:-

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.